Ciidamada gumeysiga Ethiopia oo gabi ahaamba lagala wareegay gacan kuheynta xerada Maslax ee magaalada Muqdisho.

dagaal muqdisho

Muqaawamada

Halkaan ka akhri

Ciidamada gumeysiga Ethiopia ee fariisinka ka dhigtay Xerada Maslax ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagala wareegay, ka dib dagaalo xoogan oo ay la galeen xoogag hubeysan ee kasoo horjeeda.

Sida ay xaqiijiyeen, qaar ka mid ah dadka deegaanka ka agdhow, Xerada Maslax waxaa haatan ku sugan, isla markaana gacan ku heynteeda la wareegay xoogaga hubeysan ee dagaalka kula jiray ciidamada gumeysiga Ethiopia.

Tani waxaa ay ka dambeysay, kadib dagaal si xowli ah ku bilawday oo waabarigii saaka ka qarxay xaafado ka tirsan degmada Huruwaay, kadib markii halkaasi ciidamada gumeysiga Ethiopia ay isku fidiyeen.

Qasaaraha ka dhashay dagaaladaasi ayaa ah kuwo sii kordhayay, iyadoo daryanka madaafiicda cul culusna laga maqlayay qeybo kala duwan oo magaalada Muqdisho ka mid ah.

Ugu yaraan 6 ruux oo ay ku jiraan Askarta gumeysiga Ethiopia ayaa ku geeriyootay, halka tiro kalena dhaawacyo kala duwan ay kasoo gaareen, kuwaasoo loola cararay goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo xaaladda haatan ay u muuqato mid caadi ku soo laabaneysa, isla markaana ay yaraanayaan maqalka madaafiicda kala duwan, ayaa hadana waxaa jira rasaas xoogan oo si goos goos ah loo maqlayo.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay ee xoogaga hubeysan ee ka dagaalama qeybo kala duwan oo dalka ah, si xoog ah ciidamada gumeysiga Ethiopia ay uga saaraan Xero ay deganaayeen, ka dib dagaalo hoobiyeyaal la’isku adeeg saday.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com