Boqortooyada dalka Ingiriiska ayaa Madaxweyne Xasan Maxamuud ka joojisay safar uu ku imaan lahaa London.

Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ka saartay liiska dadka ay ku casuuntay ka qeyb galka xaflada caleema saarka boqorka Boqortooyada Ingiriiska.

Sida macluumaadka la shaaciyay ay sheegayaan Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo markii hore loo diray warqada casuumaada madaxda kasoo qeyb galeysa xaflada Caleemo Saarka Boqorka badalaya Boqoradii dhowaan dhimatay ee Elizabeth 11, ayaa isbedel deg deg ah lagu sameeyay iyadoo madaxtooyada Soomaaliya lagu wargeliyay in madaxweynaha Soomaaliya aanu qeyb ka eheyn xubnaha rasmiga ah ee madashaas tageysa.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in talaabadan la qaaday maadaama Soomaaliya ay kamid tahay dalalka Ingiriiska uu saaray xanibaad dhanka socdaalka oo aysan diyaaradda si toos ah isaga kala gooshi karin Muqdisho iyo London.

Majirto wali wax jawaab ah oo ay madaxtooyada Soomaaliya kasoo saartay talaabadan, warbaahinta gudaha ee dalkaasi UK ayaa si aad ah u hadal heysa sheekadan oo xiiso gaara u leh.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamud ayaa dhawaan ka qeyb galay Aaska Boqoradii geeriyootay ee dalkaasi UK Elizabeth 11,, walow aanu xiligaasi Muqdisho ka dhoofin, waxeyna kusoo aaday xili uu madaxweyne Xasan Sheikh dalkiisa Soomaaliya safar uga maqnaa oo diyaarad uu kasoo raacay wadan kamid ah dalalka caalamka ee uu socdaalka ku marayay.