Odayashii Dhaqanka ee ka tagay magaalada Muqdisho oo la kulmay Golaha Guurtida Somaliland..

Odayaasha dhaqanka ee waday dhexdhexaadinta dagaalka Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa maanta kulan la yeeshay shir guddoonka Golaha Guurtida Somaliland.

Odayaasha dhaqanka ee koonfurta Soomaaliya uga yimid dhexdhexaadinta colaadda Sool, ayaa gaarey shaley magaalada Hargeysa.

Odayaashan ayaa kal hore tagey magaalada Laascaanood, halkaas oo ay kula soo kulmeen Garaadada SSC.

Inta ay ku sugan yihiin Magaalada hargeysa ayaa waxaa la filayaa inay kulan la qaataan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo markii hore diidanaa balse cadaadis uga yimid Mareykanka uu ku aqbalay.

Waxey hawlahan dhex dhexaadinta ku jireen odayaasha in muddo ah.