Sheikh Maxamud Ibraahim Suuley oo ku dhaartay in ay u aargudi doonaan Xasuuqii loo gaystay Shacabka iyo Culimadii tabliiqa ahayd.

Sheikh Ibraahim Suuley

Halkaan ka akhri

War maanta galabnimadii ay soo saareen Ururka Al-Shabaab ee kamid ah xoogaga sida aadka ah u hubeysan ee ka dagaalamaya Somaliya ayaa ku hanjabay in aysan ka hari doonin dhiiga shacabkii rayidka ahaa iyo Culimadii tabliiqa ee shalay sida gardarada ah ay u dileen ciidamada gumeysiga Ethiopia.

Balse Ururka Al-Shabaab ma caddeynin waxa uu sameyn doono laakin waxaa ay xaqiijiyeen in dhiigaasi laga daadiyay shacabka aysan meel eber ah kaga hagi doonin wax waliba oo shacabka gaarayna ay ka aargudi doonaan”ciidamada gumeysiga Ethiopia”.

Dowladda Gumeysiga Ethiopia waxay rumeysan tahay in xoogaga Al-Shabaab ay awoodi karaan in weeraro ay ka sameeyaan gudaha dlaka Ethiopia si ay kaga aargudaan dhibaatada ay ka wadaan Somaliya.

Sidoo kale Afhayeenka Maxaakimta Islaamka Sheikh Maxamuud Ibraahim Suuley ayaa ku dhaartay in aysan ka hari doonin dhibkaasi Shacabka Soomaaliyeed la gaarsiiyay, waxaana uu wacad ku maray, weeraro ay la ooyi doonaan ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo wixi raacsan.

Sheikh Maxamuud Ibraahim Suuley oo Idaacadaha la hadlayay ayaa cadeeyay in xasuuqii ka dhacay Suuqa Xoolaha shalay uu tusinayo dagaalka in uu yahay mid diimeed isla markaana ay tahay shacabka Somaliyeed in ay garab istaagaan walaalahooda”Mujaahidinta”oo ka wado ciidanka Maxaakimta islaamka.

Ugu dambeyntii Sheikh Suuley waxaa uu caddeeyay in aysan dayn doonin askarta dawladda Soomaaliya oo u ku tilmaamay kuwo cadowga dalka iyo Umadda kaabaya isagoona sheegay in aan si turid leh loola dhaqmi doonin marka gacanta lagu soo dhigo.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com