| Ciidamo Ugandheys ah oo ay dalalka Belgium-ka iyo Faransiiska tababar siin doonaan si loogu soo diro dalka Soomaaliya. |
Dalalka Beljimka iyo Faransiiska ayaa Sheegay inay u soo dirayaan dalka Uganda Tababarayaal u dhashay Wadamadooda si ay tababar u siiyaan ciidamo Ugandees ah oo la doonayo in loo soo diro Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan Ciidamada AMISOM ee jooga gudaha dalka Soomaaliya. |
Dhicisow on February 08 2010 16:43:26
Halkaan Riix ·
4 Reads ·
|
| Dowladda KMG Soomaaliya oo sheegtay in Caalamka ay gaarsiiyeen in la joojiyo xaalufinta dhirta iyo ku shubida kiimikada biyaha Soomaaliya. |
Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in ay kala hadashay qaar ka mid ah dalalka Yurub iyo Carabta inay joojiyaan Xaalufinta dhirta iyo Kiimikada lagu shubo biyaha Soomaaliya. |
Dhicisow on February 08 2010 16:39:35
Halkaan Riix ·
7 Reads ·
|
| Dagaalo aad u xoogan oo xalay goor dambe gilgilay magaalada Muqdisho, iyo qasaarooyin xoogan oo soo gaaray dad Shacab ah. |
Waxaa xalay goor danbe gilgilay magaalada Muqdisho dagaal xoogan oo dadka reer Muqdisho hurdada ka toosiyey, dagaalkaas ayaa la sheegay in hubka noocyadiisa kala duwan ay si xun isu dhaafsanayeen dhinacyada isku haaya Caasimada. |
Dhicisow on February 08 2010 16:33:33
Halkaan Riix ·
4 Reads ·
|

| Ciidamada Al-Shabaab oo rasaas ku riday diyaarado Joog Hoose ku duulaya oo qal qal gelisay shaqaalaha Dekedda Kismaayo. |
Waxaa ayaamahanba lagu arkayey qaar ka mid ah Gobollada dalka Soomaaliya diyaarado joog hoose ku socday oo dul heehaabayay hawada magaalooyinka Marka, Muqdisho, barawe, Baladweyne iyo Kismaayo, hase ahaatee Warkii ugu danbeeyey oo naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa sheegaya in shalay Dekedda Kismaayo ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah xamaaliga Dekeddaas, kaddib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay rasaas fureen, kuna rideen diyaarado joog hoose ku socday oo dul heehaabayay hawada magaalada Kismaayo. |
Dhicisow on February 07 2010 15:17:53
Halkaan Riix ·
10 Reads ·
|

| Ciidamada Sirdoonka Maraykanka oo shaaca ka qaaday qoorshe ay damacsan yihiin dhalinyaro Soomaali ah…. |
Ciidamada Sirdoonka Maraykanka oo shaaca ka qaaday qoorshe ay damacsan yihiin dhalinyaro Soomaali ah inay weeraraan ciyaaraha koobka aduunka ee dalka S/Africa. |
Dhicisow on February 07 2010 15:15:16
Halkaan Riix ·
18 Reads ·
|
| Afhayeenka Ciidamada Boliiska oo sheegay in ay dad badan ku soo qabqabteen howlgalo ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho. |
Afhayeenka Ciidamada Boliiska dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dad faro badan kadib howlgalo ay ka fuliyeen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho. |
Dhicisow on February 07 2010 15:11:49
Halkaan Riix ·
12 Reads ·
|
| Kooxda Al-Shabaab oo Maanta degmo cusub u magacawday deegaanka Ceel-Cali ee G/Hiiraan. |
Kooxda Al-Shabaab oo shaacisay deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan in ay u aqoonsadeen degmo cusub.
|
Dhicisow on February 06 2010 17:39:05
Halkaan Riix ·
17 Reads ·
|
|
 |
| Dadkii degganaa goobihii ay isku hor fadhiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa ka soo horjeeda oo barakac billaabay. |
Waxaa Maanta magaalada Muqdisho lagu arkayey dad u badan Qoysaskii fara kutiriska ahaa ee ku haray degmooyinka gobolka Banaadir oo ay isku horfadhiyaan dhinacyada isku haya Magaalada Muqdisho ayaa cabsi awgeed ugu cararay deegaanadooda. |
Dhicisow on February 06 2010 14:10:37
Halkaan Riix ·
10 Reads ·
|
| Dagaal afka ah oo dhexmaya dowladda KMG iyo Xisbul Islaam oo la xiriira dhaq-dhaqaaqyada ciidan oo ka billaabmay magaalada Muqdisho. |
Waxaa ayaamahanba dagaal afka ah ka dhex socday Dowladda KMG ah iyo Ururka Xisbul Islaam, haddaba waxaa Saaka jawaab culus ka bixiyay dhaq- dhaqaaqyada ciidan oo beryahan laga dareemayo qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho Sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam oo magaciisu lagu sheegay Sheikh Maxamed C/llaahi Caruus , wuxuuna ku hanjabay in Ururkiisu uu sameyn doono iska caabin xoogan. |
Dhicisow on February 06 2010 14:02:24
Halkaan Riix ·
14 Reads ·
|

| Saraakiisha Ciidamada Dowladda KMG oo xaqiijiyay inuu jiro dhaq-dhaqaaq Ciidan iyo Ciidan la geeyey goobaha la isku hor fadhiyo. |
War uu noo diray Wakiilka SoomaaliSwiss ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo warramay in Saaka la geeyey goobaha la isku hor fadhiya Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG, kuwaas oo buux-dhaafiyey wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho, halkaa soo ay ka billaabeen dhaq-dhaqaaq Ciidan oo xoog leh. |
Dhicisow on February 06 2010 13:58:42
Halkaan Riix ·
10 Reads ·
|
| Qabanqaaba loogu jiro daad-gureynta Xildhibaanayaasha Baarlamaanka KMG ee ku sugan magaalada Nairobi. |
Waxaa dowladda KMG soomaaliya ay ku howlan tahay sidii loogu soo daad-gureyn lahaa Xildhibaanayaasha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ee ku sugan magaalada Nairobi ayaa xiligan ka soconaysaa Saafarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi. |
Dhicisow on February 05 2010 15:42:07
Halkaan Riix ·
15 Reads ·
|
| Golaha Odayaasha Beelaha Hawiye oo baaq nabadeed ka soo saaray dagaalada deegaanka Bacaad-weyn ee gobolka Mudug |
Golaha Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ee garabka uu hogaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa baaq nabadeed ka soo saaray dagaalada deegaanka Bacaad Weyn ee gobolka Mudug. |
Dhicisow on February 05 2010 15:34:51
Halkaan Riix ·
11 Reads ·
|
| Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo sheegay in dowladiisu ku tala jirto inay xirto qaar ka mid ah Safaaradaha Yurub ay ku leedahay. |
Cali Axmed Jaamac Jengeli oo ah Waiirka Dowladda KMG ah ee Soomaaliya uga qaabilsan Arrimaha Dibadda ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisu ay ku tala jirto sidii ay albaabada isugu dhufan laheyd qaar ka mid ah Safaaradaha ay ku leedahay dalalka Yurub. |
Dhicisow on February 05 2010 15:31:55
Halkaan Riix ·
14 Reads ·
|
| Hay’adda Waxbarashada Caalamka (L’UNESCO) oo sheegtay in Caruur gaarayso 143 milyan ay heli waayey waxbarashada Asaasiga. |
Dhaqaalaha Caalamka oo xumaaday ayaa la sheegay inuu dhibaata geliyey dhinaca Aqoonta milyuun Caruur ah oo ku nool wadamada Faqriga dilooday ee Caalamka ka mid ah , sidaas waxaa lagu soo qoray Warbixin ay soo saartay Hay’adda UNESCO ee hoos tagta Qaramada Midoobay. |
Dhicisow on February 05 2010 15:28:35
Halkaan Riix ·
11 Reads ·
|
|